Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Reer-AW-Saciid , Waa beel kamid ah beelaha Reer Madaxweyne Direed waxayna degtaa deegaanada Jubbaland , waxay kaloo degay Gobolka baay Degmada (Buurhakaba, Ufurow, Buulafulay), G.shabelada hoose (Qoryoley, Mubaarak, Toretorow, Mustaqbal iyo afgooye), Gobolka Jubada hoose waxay ka degtaa (kismayo) halka Gobolka Jubada dhexe ka degto (jamame, jilib, saakow) waxeyna beeshu ku leedahay ama ka dagan dad aad u badan oo gaaraya Boqolkiiba %40 waxayna keentaa Caanaha, calafka xoolaha iyo agabyo kale.

Dadka ugu caansan beesha waxaa kamid ah:

  1. Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Xuseen Ugaas Maxamed.
  2. Nabadoon Ismaaciil Diyaad
  3. Xasan Isxaaq Yacquub (Geescade) Xildhibaan iyo Wasiir hore.
  4. Cabdulqaadir Sh. Cali Ibraahim ( Baqdaadi) Xildhibaan iyo Wasiir hore.
  5. Gen. Maxamed Xaaji Maxamed Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
  6. Gen. Xasan Aadan Dhicis Taliyaha Ciidanka Guutada 77 aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
  7. Prof. Sh. Maxamed Luqmaan Samow.
  8. Wasiir/Xilibaan Asad Cabdirisaq Maxamed