Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Hawraar waa kooxo ereyo ah oo wada socda qoraal iyo oraah ahaan oo leh macne faa'iide leh oo la garanaayo.

Tusaalayaal

  • Waa aan raacaa geela.
  • Nin baa gadh leh ragga.
  • Qof baa cunay bariis.
  • Inanka ayaa u weyn qoyska.

Tusaalayaashu waa hawraarro maxaa yeelay:.

  1. Waa ereyo dhawr amma koox ah.
  2. Giddi waa faa'iideeynayaan macne la garanayo.

Sidaa awgood waa hawraaro


Hawraar (ama macne buure ah) waa hadal macna sameeynaya,[1] kaa soo lagu qeexay daraasad lagu sameeyay waxay lagu tilmaamay in. Ay hawraartu tahay laba qaybood: Hawraar magaceed iyo Hawraar faleed.

Hawaraar magaceed

wax ka badal
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobkaan, eeg Haawraar magaceed.

waa hawraar xoogga saarta Magaca oo su'al iyo jawaab ba magaca siisa mudnaant. Sida: Inanka ayaa tagay dugsiga.

Hawraar faleed

wax ka badal
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobkaan, eeg Hawraar faleed.

Waa hawraar Faleed sida: "Inanku waa tagaa dugsiga ". waa hawraar faleed mudnaanta siisa Falka oo xoogga saarta. Oo su'al iyo jawaab ba falku leh yahay jawaabta mudnaanta.

Weedh aan lahayn macne buure ah

wax ka badal

Waa weedh dhiman macna ahaan, middaa aan bixinaynin macno laga aamusi karo. Sida: "Hadii uu yimaado Xasan", ama: "Haddii roob la helo". Naxwaha af-soomaaliga ma daneeyo xeerkeeda.

Eeg sidoo kale

wax ka badal


  1. Buugga Afafka Bahda Kushitigga Cabdalla Cumar Mansuur