Suftu
Suftu Suftu sufka | |
---|---|
Degmo | |
Nickname(s): Sacuudi-yareey | |
Motto(s): Hoyga Nabada | |
Dalka | Ethiopia |
Gobolka | Soomaalida |
Killil | Somali region |
Degmo | Dolo Odo |
Dowlada | |
• Nuuca | Dowlada Hoose |
• Duqa Magaalada: | Haajir Jeele |
Tirada dadka (2005) | |
• Dhammaan | 25,059 |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Furaha | 251 |
Website | www.suftu.wordpress.com |
Suufka ama Softu waa magaala ku taala Liibaan (gobol) ka mid ah Soomaali Galbeed ee hadda loo yaqaano Gobolka Soomaalida Itoobiya. kuna taal meel u dhow xuduudka Mandheera Kenya.
Suftu waa magaala aad muhiim u ah waxayna isku xertaa wadamada somalia Kenya iyo Ethiopia waa degmo aad u weyn waa magaalo ay degaan beelaha Garre ,Masarre, Degoodiye Iy o Beelokale. Magaalada Waxaa degan dad lagu qiyaaso tiradooda 160,000 oo qof. Qabalahan Suftu waxay ka koobantahay 13 xaafadood. Magaalada waa magaalo mashquul ah oo aadan ka helayn maqaaxi aad wax ka cunto marka la dhaafo 11:00pm habeenkii sidoo kale hotelada magaalada ayaa buux dhaafa 5 galabnimo. Magaalada dhaqaalaheedu wuxuu ku tiirsan yahay ganacsiga xuduudda ganacsiga, beeraha iyo xoolaha,iyadoo la tilmaamo in magaalada Suftu ganacsatadeedu yihiin kuwa ugu dhaqaale soo saarka badan marka loo eego degmooyinka kale ee Gobolka, iyo qabalayaasha kale. Waxbarashada magaalada aad ayay u fiican tahay iyadoo cayaalka magaalada oo dhami ay wax ka bartaan Suftu. Caafimaadka magaalada aad buu u wanaagsanyahay maadama ay magaalada leedahay isbitaal weyn oo ay dowladu leedahay iyo xaruma kale oo caafimad.
- Xafadaha ugu caansan magalada.
- Xafada Fulham
- Xafada Lamagalaay
- Xafada Horseed
- Xafada Bulla-libbi
- Xafada Afcara
- Xafada Gazza
- Xafada Istanbul
- Xafada Shantii
- xaafada mudulawda
- xaafada garba addo
- xaafada cadileey
- xaafada dalmar
- xaafada tuula wariiri
- xaafada kawaanka hilibka
By bodhari vs dhala