Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook
Jump to content

Portal:Yurub

Ka Wikipedia
border=#000000
Warbixin Guud   Juqraafiga


Yurub (Af Ingiriis : Europe; Af Carabi : ar‎) waa qaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaarada Aasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhaca Bada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga Badweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhaca Bada Mediterraniyan. Si kastaba ha ahaatee, dhinaca bari iyo koonfurbari qaarada Yurub waxaa inta ugu badan loo yaqaanaa Xadka Qaaradaha; taasi oo laga wado meesha qeybisa qaarada Aasiya iyo Yurub. Sida caadiga ah labada qaaradood ee Aasiya iyo Yurub waa kuwo isku-xidhan deegaan ahaan; waxaana badhtanka u dhaca wadano dhowr ah oo ka mid tahay wadanka Turkiga oo labada qaaradoodba ka tirsan.

Guud ahaan, qaarada Yurub waxay ku fadhidaa deegaan dhan 10,180,000 square kilometres (3,930,000 sq mi), ama 2% oogada sare ee Dhulka (taasi oo u dhiganta 6.8% dhulka aduunka). Dhinaca siyaasada, qaarada Yurub waxaa ku yaala ilaa 50 dowladood oo madax-banaan, kuwaasi oo wadanka Ruushka noqonayo kan ugu weyn ee ugu bulshada badan - taasi oo qiyaas ahaan noqon karta 39% dhulka qaarada iyo 15% bulshada qaarada. Dhinaca kale, qaarada Yurub waxaa ku nool dad dhan 740 million (qiyaastii ilaa 11% bulshada aduunka) tirokoob 2012.) Taariikh ahaan, qaarada Yurub waxay leedahay taariikh dheer oo ka soo bilaabanta wakhtiyadii ilbaxnimada ugu horeeysay, inkastoo dadka reer Yurub aad u horumareen markay bilaabantey kacaankii wershadaha.

Muuqaal xul ah

A panoramic view of Rüdesheim am Rhein, looking towards east.
A panoramic view of Rüdesheim am Rhein, looking towards east.
Xuquuqda sawirka: DXR

Rüdesheim am Rhein waa magaalo ku taala galbeedka degmada Rheingau-Taunus-Kreis, gobolka Darmstadt ee wadanka Jarmalka. Magaaladani waa mid qadiimi ah oo leh meelo badan oo taariikhi ah iyo dhismoyaal ka tirsan Dhismaha Dhaxalgalka Aadamaha ee Hay'ada UNESCO ee ka tirsan Ururka Qaramada Midoobey.



Maqaal xul ah

Wadanka Ruushka (Af Ingiriis : Russia; ru: Россия) waa wadanka ugu weyn aduunka, waxoona ku yaalaa qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Weyninka wadanka waxoo gaaraa ilaa 17,098,242 oo isku wareeg ah. Wadanka waxoo leeyahy 83 gobol oo ku kala yaalo meelo kala duwan. Woqooyiga ruushka waa dhul aad u qaboow, oo dad badan degeneen. magaalo waxaa jirto oo lagu magacaabay meesha aduunka ugu qabow. markii laga reebo deegaan kale oo kuyaalo meesha oo aduunka ku dhamaado, waxeena iska leh ruushka.

magaalo madaxda wadanka waa Moskow oona ah magaalada ugu wayn dalka, isla markaasneh ah magaalada ugu weyn qaarada yurub.


Sawir xul ah

Perast
Perast
Xaquuqda sawirka: Halavar

Perast waa magaalo gaboowdey oo ku taala gacanka Bay of Kotor ee Montenegro.

Mashaariic Bahwadaag

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]