Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiiska Nukliyeerka ee Iran: 'Waan aqbalaynaa hindisaha Midawga Yurub, haddii la helo dammaad-qaad'


Austria Iran Nuclear
Austria Iran Nuclear

Masuuliyiinta dalka Iran ayaa sheegay inay aqbalayaan hindisaha Midawga Yurub ee ah in dib loo dhaqangeliyo heshiiskii laga gaadhay hubka Nukliyeerka ee dalka Iran sannadkii 2015, haddii la helo cid dammaanad qaadda fulinta heshiiskaas, sidaas waxaa lagu baahiyey wakaaladda wararka ee dalka Iran oo soo xiganaysa diplomaasi sare oo u dhashay dalkaas.

Midawga Yurub ayaa sheegay Isniintii toddobaadkan inay soo saareen qoraalka rasmiga ah ee heshiiska, ka dib afar maalmood oo ay wadahadalo aan toos ahayni uga socdeen magaalada Vienna, saraakiil kala metelaysay Maraykanka iyo Iran.

Sarkaal sare oo ka tirsan Midawga Yurub ayaa sheegay in aan heshiiskan lagu samayn doonin wax ka bedel cusub, iyada oo ay soo qaadatay muddo 15 bilood ah in gorgortan laga sameeyo si loo soo saaro qoraal heshiis lagu yahay. Sarkaalka ka tirsan Midawga Yurub ayaa sheegay in toddobaadyada soo socda la gaadhi doono heshiiska ugu dambeeya ee laga gaadhayo arrimaha la xidhiidha hubka Nukliyeerka ee dalka Iran.

Hase ahaatee wakaaladda wararka dalka Iran ee IRNA oo soo xigatay sarkaal u dhashay dalkaas oo qariyey magaciisa, ayaa sheegay in Tehran ay dib u eegi doonto hindisaha ay soo diyaariyeen ururka Midawga Yurub. Isagoo sheegay in hindisahaasi uu yahay mid la aqbali karo haddii loo helo cid dammaanad qaadda, iyo in xal laga gaadho arrimaha cunaqabataynta ee dalkaas la saaray.

Reuters

XS
SM
MD
LG