Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

William Ruto oo loo doortay madaxweynaha Kenya


William Ruto
William Ruto

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Kenya ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqay in madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi William Ruto u uku guuleystay doorashadii sida weyn loogu loollamay ee madaxtinimada, iyadoo dhowr xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ay diideen natiijada doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada iyo Ilaalada Xuduudaha Wafula Chebukati ayaa sheegay in Ruto uu helay 7.18 milyan oo cod oo u dhiganta 50.49 boqolkiiba, iyadoo uu Odinga helay 6.94 milyan oo cod oo u dhiganta 48.85 boqolkiiba.

Waxyar ka hor inta uusan ku dhawaaqin natiijada ayaa afar ka mid ah 7-da xubnood ee guddiga IEBC waxa ay diideen in ay natiijada aqqoonsadaan, taasi oo sare u qaadeysa cabsida in rabsho ay ka dhalato doorashadan sida weyn loogu loollamay.

Ruto oo ah 55 jir ayaa ka dib markii natiijada lagu dhawaaqay waxa uu jeediyey khudbad isaga oo wacad ku maray in uu la shaqeyn doono “dhammaan hoggaamiyeyaasha” Kenya.

“Ma jiri doonto meel lagu aarguto,” ayuu yiri. Waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan si weyn ula socdaa in dalkeenu uu ku jiro marxalad aan u baahannahay in dhammaan aan gacmaha isqabsanno.”

Natiijada ayaa dharbaaxo ku ah Odinga oo 77 jir ah, ahna hoggaamiyaha mucaaradka kaasi oo xisbiga talada haya taageero ka helayay ka dib heshiiskii 2018-kii uu la galay madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay ee Uhuru Kenyatta.

AFP

XS
SM
MD
LG