Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xubno ka mid ah Guddiga Doorashada Kenya oo diiday natiijadii doorashada


Kenya Election
Kenya Election

Afar ka mid ah toddobada xubnood ee Guddiga Doorashada Kenya ayaa Isniinta maanta ah in aysan aqqoonsaneyn natiijada doorashada madaxtinimo ee lagu dhawaaqay.

“Ma qaadan karno mas'uuliyadda natiijada lagu dhawaaqi doono," ayay warbaahinta u sheegtay Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Juliana Cherera, waxayna hadashay ka hor intii aan si rasmi ah loogu dhawaaqin madaxweynaha dooran, William Ruto.

Waxa ay ku tilmaamtay habka loo maray mid uu “mugdi ku jiray” balse ma aysan faah faahin, iyadoo sheegtay in macluumaad dheeri ah ay dib ka soo sheegi doonaan.

Guddiga IEBC ayaa mar sii horreysay sheegay in ay saacaddu marka ay tahay 3-da galabnimo ee waqtiga maxalliga ah uu ku dhawaaqi doono natiijada tartankii 9-kii bishan ka qabsoomay dalkaasi, balse dib ayay u dhacday.

Natiijooyin rasmi ah oo ay daabacday warbaahinta Kenya gelinkii hore ee Isniinta maanta ah ayaa siisay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto in yar oo uu kaga horreeyo Raila Odinga, hogaamiyaha mucaaradka ee ruug cadaaga ah oo taageero ka helayay xisbiga talada dalkaasi haya.

Iyadoo uu jiray jahawareer, ayaa waxaa dhacay gacan ka hadal ka dhacay xarunta guddiga ee sida weyn loo ilaalinayay ee ku taalla bartamaha Nairobi iyadoo dadka qaar ee kuraas tuurayeen.

IEBC ayaa waxaa haystay cadaadis ah in natiijo lagu kalsoon yahay ay ka soo saarto doorashada ka dib markii wax isdaba marin iyo maamul xumo ay sababtay in maxkamadda sare ay baabi’iso doorashadii madaxtinimada ee 2017-kii.

AFP

XS
SM
MD
LG