Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Galmudug oo hawlgallo ka dhan ah al-Shabaab ka wada gobolka Galguduud


Ciidamada Ammaanka
Ciidamada Ammaanka

Wararka ka imanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Galmudug inay weerar qorshaysan ku qaadeen fadhiisin ay ku sugnaayeen maleeshiyada ururka al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo ay VOA la xidhiidhay ayaa u sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba ka mid ah maleeshiyaddii ku sugnayd deegaanka Baruujeed oo hoostaga degmada Ceelbuur.

Illaa haatan ma jiraan ilo madaxbanaan oo caddaynaya jiritaanka weerarkaas iyo sida uu u dhacay, waxaana adag in dadka deegaanka khadka telefoonka lagu helo.

Dhinacakale masuuliyiin katirsan Galmudug oo VOA ay la xidhiidhay ayaa waxa ay u sheegeen in hawlgallo ka dhan ah maleeshiyada al-Shabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan Galgaduud balse faahfaahin kamay bixinin weerarkaas.

XS
SM
MD
LG