Ugu yaraan 14 qof oo u dhashay waddamada Hindiya, Masar, Pakistan iyo Indonesia ayaa lagu xiran boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo lagu eedeeyay inay xayaysiinayeen kaararka aqoonsiga Xajka oo been abuur ah, sida ay shaacisay shabakadda wararka Xaramka ee Insde Haram.
Dowladda Canada ayaa ka hadashay fal naceyb la xiriira oo loo geystay qoys muslimiin ah oo deggen magaalada London- Ontario.
Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhintay dalka Kwait Arbacadii, kadib markii uu dab ka kacay dhismo ay degganaayeen shaqaale ajnabi ah, iyada oo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait ku eedeeyay milkiilayaasha hantida maguurtada ah inay geysteen xadgudubyo ay ku yimaadaan dhacdooyinkan oo kale.
Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil Arbacada, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa militariga Israa’iil iyo Xamaas ku daray liiska madow ee sannadlaha ah ee dambiilayaasha dhibaateeya carruurta.
Dalka Ingiriiska, waxaa aad loo hadal hayaa kiiska laba wiilal 12 sano jirro ah oo ay guddi xeer-beegti ah ku heleen danbi ah, in ay maqar ama baangad ku dileen wiil 19 jir ahaa bishi November ee sannadki hore.
Kuwo kale