Sarkaal sare oo ka tirsan Hay'adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay Khamiistii shalay in Waqooyiga Gaza ay weli halis ugu jirto macluul.
Barnaamijka Amuuraha Islaamka ee toddobadkan waxaan ku egeynaa dalka reer galbeedka oo cunaqabateyn ugu hanjabay waddanka Iran.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad, oo ku dhowaad 100 sano jir ah, ayaa lagu billaabay baaritaan musuq-maasuq oo ay ku lug leeyihiin labadiisa wiil, waxaa sidaas maanta sheegay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka.
Argentina ayaa weydiisatay booliska caalamiga ah ee Interpol inay soo xiraan wasiirka arrimaha gudaha Iran sababo la xiriira qarax 1994-kii lala beegsaday xarun ay bulshada Yahuudda ku leeyihiin Buenos Aires, kaasi oo lagu dilay 85 qof, waxaa sidaas Talaadadii sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.
Ciidamada Israel ayaa Talaadadii kordhiyay weerarada Marinka Gaza xili dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas uu galay maalintii laba boqolaad.
Dagaalka u dhexeeye Isra’il ayaa socda muddo 200 oo maalmood ah, waxaana aana wali xal loo helin duqeymaha Isra’il ay ku hayso magaalada Qaza.
Qatar ayaa maanta sheegtay in hoggaanka siyaasadeed ee Xamas ay ku sii nagaan doonaan Doha inta joogitaankoodu uu faa’iido u leeyahay dadaallada dhex-dhexaadinta ee looga dan leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza.
Qaar ka mida ururada samafalka ayaa isku dayaya inay jebiyan go’doominta ay Israa’iil ku hayso marinka Gaza, iyaga oo adeegsanaya maraakiib kala duwan oo sida gargaar bani’aadannimo.
Hogaamiyayaasha caalamka ayaa maanta kulan waxa uu uga furmayaa magaalada Ottawa ee dalka Canada iyagoo ka wada hadlaya sidii heshiis caalami ah looga gaari lahaa wasakhowga ka dhasha bacaha oo sanad walba sii kordhaya.
Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen xilli ay ka gudbayeen marinbiyoodka English Channel, ee isku xira koonfurta Ingiriiska iyo waqooyiga France, saacado yar kaddib marki ay dowladda Britain ansixsay sharci lagu tarxiilayo qaxootiga sharci-darrada ku gala dalkeeda.
Kuwo kale