Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay xukunadda ay qaado maxkamada Cadaaladda Aduunka iyo sida dalalka ay u fuliyaan, maxaase dhacaya haddii aan la fulin.
Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay Arbacadii inay dileen saddex caruura oo uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah, ka dib weerar dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen marinka Qaza, iyaga oo sheegay in saddexda caruura ee ay bartilmaameedsadeen inay ka tirsanaayeen Xamaas.
Ra'iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa rajeynaya inay baxaan duullimaadyadii ugu horreeyay ee qorshaha ay Britain ugu tarxiileyso dadka magangalyo doonka ah waddanka Rwanda, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay kulankooda Talaadadii.
Weeraryahanka Brazil, Raphinha ayaa labo gool oo uu dhaliyay waxay caawinaad u hayed in Barcelona ay 3-2 kaga badiso Paris St Germain lugta hore ee wareega 8-da ee Champions League, iyadoo kooxda reer Spain ay heleen guushoodii ugu horeysay ee wareegfa 16-ka markii ugu horreysay muddo afar sano ah.
Hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Arbacada mar kale uga digay Israel in “lagu ciqaabi doono” weerarkii cirka ee Dimishiq ee lagu dilay 7 ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraalo.
Turkey ayaa sheegtay inay xayiraado ganacsi ku soo rogi doonto Israel laga billaabo Talaadada maanta ah, sababo la xiriira dagaalka Gaza.
Ra'iisal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay Isniintii in la go'aamiyey xilliga la fulinayo hawlgalka magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca Koonfureed ee Gaza, hase ahaatee ma shaacinin taariikhda rasmiga ah.
Isniinta berri ah waxaa filayaa in qorrax madoobaad lagu arko Waqooyiga Ameerika oo Maraykanku ku jiro, Mexico iyo Canada. Waxaa Qorax Madoobaadkaasi la filayaa inay gaarto gobollo badan oo Mareykanka iyo dalalka deris la ahba.
Kuwo kale