Muxuu Sweden uga cararay ninkii Quraanka ku gubay Stockholm

Salwan Momika oo kitaabka gubaya

Xigashada Sawirka, X

Qoraalka sawirka, Salwan Momika oo kitaabka gubaya

Salwan Momika oo ah nin hore uga tirsanaan jiray miliishiyooyinkii ka dillaacay Ciraaq, aadna wax uga sheegi jiray diinta Islaamka ayaa la soo sheegay in uu isaga cararay dalkii u magangalyada ku joogay.

Ninkaas ayaa magaciisa wuxuu dunida ku baahay markii uu bishii Juun ee sannadkii hore, intii lagu guda jiray ciidul Adxaa, uu kitaabka quraanka dhulka dhigay, uuna ku istaagay, ka hor intii uusan ku guban meel dibadda ka ah masaajidka ugu weyn magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Salwan Momika oo ay is qabteen miliishiyo kale oo ciraaqiyiin ah ayaa u soo cararay Sweden oo uu magangelyo weydiistay 2018, waxayna dawladda Sweden siisay ruqsadda deganaanshaha ee dalkaas 2021.

Ninkaas oo hore u ahaa masiixi ayaa marki dambe doorbiday inuusan wax diin ah qaadan oo uu ahaado mulxid (Diin laawe).

Todobaadkii hore ayuu u sheegay wargays Sweden ka soo baxa inu magangelyo weydiisanayo Norway isagoo ka cabsi qaba in dib loogu dhoofiyo Ciraaq.

Dad ka caraysan kitaabka la gubay

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dad ka caraysan kitaabka la gubay

“Waxaan ku sii jeedaa Norway” ayuu yiri Momika oo la hadlayey wargayska Sweden ka soo baxa ee Expressen. “Sweden waxa aqbashaa argagixisada oo kaliya, kuwaasoo la siiyo magangelyo iyo ilaalo, halka dadaka faylasuufiyiinta iyo cabqariyiinta ah la eryo” ayuu sii raaaciyey.

Salwan Momika ayaa waxaa ku socda baaritaan ay ku wadaan maamulayaasha Sweden, waxaana mid ka mid ah sababta uu Sweden uga tegey uu wargayska Expressen ku tilmaamay inay tahay inuu xuddun u ahaa khilaafkii dhex maray Turkiga iyo Sweden ee keenay in Turkigu uu is hortaago in Sweden ay ku biirto NATO.

Maamulayaasha socdaalka ee Sweden ayaa dib ula laabtay rusaddii deganaanshaha ee Sweden bishii Oktoobar, ayagoo sheegay in uu bixiyey xog khaldan markii uu magangalyada codsanayey, haatanna dib loogu celin doono Ciraaq.

Wararka qaar ayaa sheegayey in Ciraaq ay dalbatay in ninkaas dib loogu soo dhoofiyo, waxayna ku eedeeyeen dambiyo ay ka mid yihiin wax is daba marin.

Inkastoo ay Sweden deganaansho siisay ninkaas 2021, misna hadda wuxuu ku joogay dalka deganaansho ku meel gaar ah oo dhacaysa 16 Abriil sida uu qoray wargayska Expressen.

Ma jirto ilaa hadda hadal rasmi ah oo dhinaca Norway oo la xiriira xaqiijinta codsigiisa magangalyo doonka.

Salwan Momika

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Qoraalka sawirka, Salwan Momika

Maxaan ka ognahay ninka gubay kitaabka Qur’aanka

Salwan Momika ayaa dowladda Sweden ka codsaday in uu sameyn karo dibad bax uu ku gubayo kitaabka Qur’aanka kariimka ah, iyadoo loo fasaxay, xilli Sweden ay sheegtay in ay oggoshahay xorriyadda hadalka.

Ninkan ayaa kitaabka ku hor gubay masaajid weyn oo ku yaalla magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden.

Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin askar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaajidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsiiyey kitaabka Qur’aanka kariimka.

Telefishinka SVT ee dalka Sweden ayaa baahiyay in bandhiggaasi uu ku dhamaaday si nabad ah, iyaga oo sii raaciyey in ninkii ka dambeeyay banaanbaxa uu jeexjeexay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, uu bogag ka mid ah kabihiisa ku masaxay halka uu qaarna ku laalaabay hilib doofaar oo cayriin ah oo uu watay, arrintaas oo dad badan u arkayeen in uu rabay in dareenka dadka muslimka uu ku kiciyo.