Khasaare ka dhashay cimilada kulul ee dawlad-deegaanka Soomaalida

Godey

Xigashada Sawirka, Facebook

Ayadoo kulayl aad u daran uu ka jiro deegaannada Soomaalida ee bariga Afrika ayaa wararka ka imaanaya magaalada Godey ee dawlad deegaanka Soomaalida waxay sheegayaan in uu khasaare nafeed gaystay heerkulkaas todobaadyadii u dambeeyey sare u sii kacayey.

Sida uu sheegayo Salaaxudiin Cabdullaahi Cumar oo ka tirsan madaxda iskaashato deegaankaas ka jirta oo ka shaqaysa wax soosaarka, waxaa uu BBC u shegay in xaaladda hadda deegaankooda ka jirta aysan weli hore u soo marin.

Iskaashatada uu madaxda ka yahay Salaaxudiin ayaa todobaadkan weyday boqolaal digaag oo ay xanaaneynayeen, ka dib kulayl daran oo aan hore u soo marin Godey oo dadku ay la yaabeen.

“Kulaylka waxaa noo dheer magaaladu markii hore biyo fiican ayey haysan jirtay, haddii wax laga qabanayana waa naloo sii sheegi jiray, taana waxay noo saamixi jirtay in aan ka sii gaashaamanno muddada biyuhu go’an yihiin oo aan biyo sii dhaansanno, haddase waxaa dhacday in mar kaliya ay biyihii go’aan innagoo aan ka diyaar garoobin” ayuu yiri Salaaxudiin oo BBC u warramayey.

Digaag Dhintay

Xigashada Sawirka, Facebook

Wuxuu intaa ku daray in ay kulaylka kaga geeriyoodeen ilaa 350 digaag ah oo ka mid ahaa 2,500 oo digaag oo ay iskaashatadu xanaaneynaysay, laakin inta nool ay fiican yihiin oo gaadiid biyo loogu soo dhaamiyey.

Salaaxudiin wuxuu intaa ku daray in uusan maqal ama war u hayn wax khasaare naf bani aadam ah, balse ay jiraan dad isbitaallo loo dhigay iyo qaar uu isagu arkay.

“Qofku guri ma harsan karo, geedna ma harsan karo. Dad baan arkay isbitaallada loo dhigay xanuunno ku soo booday sida dhiig karka oo kale, waxaan kaloo arkay qaar naqasku ku dheggan yahay. Waxaan kaloo arkay ilmo yar oo umul lagula jirto oo hadba geed lala hoos istaagayo, oo meelna lala qaban la‘ yahay“ ayuu yiri.

Wuxuu maamulka ka dalbaday in dadka wacyi gelin loo sameeyo si loo yareeyo dhibaatada ka dhalan karta kulaylka ba’an, iyo sidoo kale in dhir la beero, taasoo sida uu sheegay “qayb ka qaadanaysa in kulaylku yaraado“.

BBC oo la xiriirtay maamulka ayaa wax ka weydiisay cimiladan aadka u kulul ee aan hore loo arki jirin. Xasan Maxamed Fadan waa madaxa xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maamulka dhulka miyiga ah ee waaxda isbeddelka cimilada, wuxuu ka hadlayaa cimilada aadka u kulul ee deegaanka.

Xasan Maxamed Fadan

Xigashada Sawirka, Fadan

Qoraalka sawirka, Xasan Maxamed Fadan, madaxa xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maamulka dhulka miyiga ah ee waaxda isbeddelka cimilada

"Wakhtigan waa xilligii loo diyaar garoobayey in roobabku ay da’aan, maalmahaanna wuuba da’ayey, laakinse waxaa ku soo kordhay kulayl fara badan, waxaanan u kala qaadi karnaa laba qaybood. Mid waa inuusan ka duwanayn, kana badnayn kulaylkii hore loo arki jiray, laakinse arrinta jirta ee ka duwan kulaylkii hore ayaa ah in huur badan uu jiro, waxaana sababay uumibax fara badan oo biyihii dusha sare ee dhulka fadhiyey, bad iyo berriba ay uumi baxayaan, wxayna sababayaan inay hawada sare galaan, ka dibna ay daruuro samaysmaan, sidaa darteed hawada waxaa ku jira biyo fara badan, waxaana aad u kala badan uumiga baxaya iyo biyihii hawada sare ku jiray. Taa waxay keentay in daruurihii iyo biyihii hawada ku jiray ay sii bataan, uumigana uu dhulka ku soo noqdo, waana middaas tan keentay huurka faraha badan ee dadku dareemayaan“ ayuu yiri Xasan Maxamed Fadan.

Wuxuu meesha ka saaray in khasaare naf bani aadam uu jiro, laakinse wuxuu hoosta ka xariiqay in ay dhibaato ka soo gaarayso shimbiraha oo ay haddeerba jiraan shimbiro dhintay.

"Waxaa noo qorshaysan in aan dadka wacyigalin u samayno, sida in aysan dhulka biyo ku rushayn, waayo biyahaas way uumi baxayaan, waxaana sii kordhaya huurka“ ayuu yiri Xasan Maxamed Fadan.