Sidee u shaqeeyaa kombiyuutarka yaabka leh ee saadaaliyey kooxda qaadi doonta horyaalka Ingiriiska

EPL

Waa arrin ay dadka cayaaraha falanqeeya bilaabeen inay ka fekeraan, ayadoo kooxda Arsenal ay markii sideedaad oo xiriir ah guul gaartay, Sabtidiina ay hogaanka u qabatay horyaalka Ingiriiska. Waxaa sannad kasta marka la soo gaaro dabayaaqada horyaalka aad loo isticmaalaa saadaasha uu sameeyo kombiyuutar loo adeegsado inuu cayaaraha saadaaliyo.

Liverpool oo hogaanka haysay ayaa maalmo ka hor barbarro la gashay Manchester United, waxayna sidaas ku aadday kaalinta labaad, halka kaalinta 3aad ay ku jirto Manchester City oo horyaalka difaacanaysa.

Waxaa aad u sii adkaanaysa in la sii sheego kooxda ku guulaysan doonta horyaalka ayadoo kooxaha ay u harsan yihiin min todoba cayaarood.

Haddaba kombiyuutarka saadaaliya kooxda qaadaysa koobka ayaa tilmaamaya kooxda ay la tahay in ay koobka qaadayso, su’aashuse waxay tahay sida uu ku qiyaaso.

Kombiyuutarkan aadka u sarreeya ayaa 100,000 oo goor wuxuu dib u dhisaa cayaaraha u dhiman kooxaha oo dhan, isagoo iskticmaalaya halbeegyo xogeed si uu sida ugu wanaagsan ugu saadaaliyo natiijada muddada ka dhiman xilli cayaareedka.

Arsenal

Xigashada Sawirka, Arsenal.com

Wuxuu xisaabaa suurtogalnimada kooxuhu inay ku dhamaystaan boosaskooda ama ka hoos maraan ama ka kor maraan.

Sidoo kale badinta, guul darrada iyo barbarraha ayuu xisaabaa, asagoo ka qiyas qaadanaya natiijooyinkii hore

Sidaa marka ay arrintu u dhacday ayuu kombiyuutarka saadaaliyey in seddexda kooxood ee ugu sarreeya horyaalka ay is dheeraan doonaan qiyaastii laba dhibcood, ayadoo horyaalkana farqi goolasha ah lagu qaadi doono.

Sida uu kombiyuutarku sheegayo, Arsenal ayaa qaadi doonta horyaalka Premier League muddo 20 sano ah ka dib. Kooxda Liverpool ayuu iyadana saadaaliyey in ay dhibco ahaan isla sinmi doonaan Arsenal, laakin farqiga goolasha ay Arsenal dheeraan doonto 10 gool.

Wuxuu kaloo saadaaliyey in Manchester City la filayo inay laba dhibcood ka dambeyso.

Saadaasha uu siiyey kooxahaas ayaa kala ah in Manchester city fursadda ay ku guulaysan karto ay le’eg tahay 17.3 inay mar afaraad oo xiriir ah qaaddo horyaalka, halka Liverpool ay haysato fursad ah 30.3 inay koobka qaaddo, ayadoo Arsenalna uu kombiyuutarku siiyey suurtogalnimo ah 52.3 inay horyaalka Premier league qaaddo.

“Mar walba natiijadu waxay ku xiran tahay waxa ay kooxdu la timaado, laakin maadaama kombiyuutarkan muddo dheer la isticmaalayey wuxuu ku fiican yahay saadaasha wakhtiga gaaban” ayuu yiri Maxamed axmed Deysane oo ka faallooda cayaaraha.

“Dadku aad ayey u xiiseeyaan saasaasha kombiyuutarka, waayo wuxuu xisaabta ku daraa – sida falanqeeyayaasha oo kale – cayaartoyda dhaawacan, 11ka lagu bilaabayo cayaarta, boosaska iyo garoonka lagu cayaarayo” ayu sii raaciyey Deysane.

Seddexda kooxood ee ka hari doona Premier League ayuu kombiyuutarkan ku sheegay inay kala noqon doonaan Luton, Burnley iyo Sheffield United.