Ugbaad Aragsan ma waxaa loo xiray anshax xummo mise siyaasad

Ugbaad Aragsan

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka, Ugbaad iyo sababta xariggeeda

Booliiska Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay fannaanada Ugbaad Maxamuud Cabdi 'Ugbaad Aragsan', oo lagu eedeeyay in ay faafisay muuqaalo anshax xumo ah.

Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee Ciidanka Booliiska Somaliland, fannaanada waxa lagu xiray eedayn la xiriirta in ay baraha bulshada ku faafisay muuqaalo dhaqanka iyo diinta kasoo horjeeda.

Booliska ayaa sheegay in Ugbaad Aragsan loo haysto fal anshax xumo, waxa ay tilmaameen in lagu wado baaritaan dheeraad ah kadibna sharciga la hor geyn doono.

Qoyska Ugbaad aragsan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in xilligii la qabanayay ay ku sugneyd xarunteeda ganacsi isla markaana ay qal-qal ku beertay qaabka ay boolisku uga hawl galeen soo qabashadeeda.

Cayni Maxamuud Cabdi oo ah gabadh ay walaalo yihiin Ugbaad Aragsan ayaa tiri, “Xalay anagoo ku sugan goobteeda ganacsi ayaa Ugbaad la xiray, gabadh ayaa markii hore noo timid u ahayd sirdoon kadibna waxaa halmar nasoo gashay labo gawaari oo buuxda, dabcan hal iyo labo askari ma aysan soo doonin ee ciidan fara badan oo qal-qal nagu beeray ayaa soo doonay”, ayey tiri Cayni.

“Ugbaad waa gabar reer Somaliland ah oo dalkeedii joogta, ma aha shisheeye, mana aha qof galay dambi cabsi amni sababay, qaabka ay ciidamadu noogu yimaadeen xitaa iyaga oo aan waaran wadan wey qaldaneyd, iyaduna waxa ay sameysay ixtiraam oo wey raacday”, ayey sii raacisay Cayni.

Ugbaad Aragsan

Xigashada Sawirka, Ugbaad/facebook

Qoraalka sawirka, Ugbaad iyo sababta xariggeeda

Dhinaca kale waxa ay sheegtay in lagu xiray saldhigga dhexe balse xalay oo dhan ay la'aayeen Meesha gabadha loo qaaday, waxana ay tilmaantay in loo diiday in ay raacaan xilligii ay askartu wadanayeen.

Boolisku waxa ay sheegeen in Ugbaad loo xiray fal anshax xumo iyo muuqaallo ay ku baahisay baraha bulshada, hase yeeshee qoyska ayaa ka biyo diiday iyagoo sheegay in arrintani ay tahay mid siyaasadeysan.

Fannaanada ayaa dhawaan muujisay taageero ay u hayso xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyadoo si wayn taageeradeeda ugu muujisay bandhig faneed ay munaasibaddii ciidda ku qabatay magaalada Hargaysa.

“Ugbaad waa gabadh fannaanad ah, waxa ay u heestaa Soomaali oo idil, sidoo kale Somaliland waa Meesha ay u dhalatay, siyaasad marka ay noqoto ciddii ay doonto ayey taageeri kartaa, hadda waxaan rumeysannahay in loo colaadiyay arrimo la xiriira xisbiga waddani oo ay taageereysay, Ugbaadna waxa u xiran tahay dowladda ee uma xirna Sheekh iyo wasaarad diineed toona”, ayey tiri Cayni oo ah Ugbaad walaasheed.

Waxa ay sheegtay in Somaliland ay joogaan hablo badan oo xirta Surwaal iyo shaar qaata, haddii cid la xirayana iyaga laga bilaabi lahaa hase yeeshee Ugbaad aragsan ay dowladdu si kale iyo arrimo qorsheysan ay u xiratay, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Sidoo kale Ugbaad Aragsan ayaa baraha bulshada ku baahisay heeso ka hadlaya murankii dhul badeed ee Itoobiya iyo Somaliland ay heshiiska is af-garad ka yeesheen kadibna Soomaaliya ay ka biyo didday.

Ugbaad Aragsan

Xigashada Sawirka, Ugbaad/Facebook

Qoraalka sawirka, Ugbaad iyo sababta xariggeeda

Dadka qaar ayaa aaminsan in xarigeeda uu qayb ka ahaa safar ay dhawaan kaga qaybgashay xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani, oo dhawaan dib loo doortay, iyo safarro kale oo ay ku tagtay Muqdisho.

“Ugbaad ma ahayn argagaxiso qaabka ay ciidanku usoo galeen meheraddeeda waxa ay ahayd mid aragagax na geliyay, waa la awooday in taleefan loo soo diro oo lagu war geliyo in ay saldhigga timaaddo iyo in labo askari loo soo diro balse in xataa innagii la joognay nala cabsi geliyo waxa ay ahayd xad-gudub”, ayey ku cel-celisay walaasheed Cayni.

Qosyka ayaa caddeeyay in Ugbaad aan wax dhaawac ah la gaarsiin markii la xirayay, hase yeeshee ay si aan habbooneyn ula hadleen kadib markii ay weydiisay sababta loo xirayo.

Qosyka ayaa ugu dambeyn sheegay in Ugbaad Aragsan ay u madax bannaan tahay ciddii ay taageeri lahayd, walibana ay heeso u qaadday xisbiga, heestaasina ay sababtay in dhowr goor oo hore loo hanjabay.