Laabta oo lagu galiyo maalintii hal mar waxay kaa yaraynaysaa welwelka – Daraasad

Hab isa siin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Khubaro Jarmal ah ayaa daraasad ay sameeyeen waxay ku ogaadeen in hal mar oo laabta lagu galiyo (hab lagu siiyo) maalintii ay yaraynayso xanuunnada maskaxda, xitaa haddii uu qalabka Robotka hab ku siiyo.

Daraasadda oo lagu sameeyey 13,000 oo qof ayaa eegtay sida taabashada qaybaha kala geddisan ee jirka ay dad kala duwan saamayn ugu yeelanayso.

Dr Julian Packheiser oo ka tirsan jaamacadda Ruhr University Bochum ayaa yiri isu dhawaanshaha xiriirkaas ayaa ah mid aad muhiim u ah. Haddi wakhtiayada laabta lagu galinayo ay badan yihiin waxaa lala xiriirinayaa in welwelka ay wax weyn ka qabtaan” ayuu yiri

Qiyaastii mid ka mid ah 6dii qof ee Ingiriis ah ayaa qaba xanuunka keena in qofku isku buuqo, ayadoo dumarkana ay laba jibaar uga nugul yihiin ragga in ay xanuunnada maskaxda qaadaan.

Xanuunkan ayaa ah midka ugu badan ee ay dadka waayeelka ah qaadaan, ayadoo qiyaastii 22% ragga iyo 28% dumarka da’doodu tahay 65 ama wixii ka weyn uu xanuunkan saameeyey.

Ilaa 8 malyan oo qof ingiriis ah ayaa xanuunka welwelka qaba.

Hab

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daraasado hore loo sameeyey ayaa sheegaya in qofka ay taabashada la taabanayo ka caawinayso xaalado gaar ah oo ay ku jiraan, isku buuqa iyo welwelka.

Daraasad dhawaan la sameeyey oo lagu qorauy majalladda Nature Human Behaviour ayaa iyadana si gaar ah u eegeysa caddaymaha la xiriira sida ay taabashada u bogsiiso labadaas xanuun iyo dhibaatooyinka kale ee xanuunnada jirka ku dhaca ay ka midka yihiin.

Cilmi baareyaasha ayaa eegay xogta 212 daraasadood oo ay ka qayb qaateen ilaa 12,966 qof, si ay wax uga ogaadaan sida taabashooyinka kala duwan ay dadka u saameeyaan.

Waxay eegeen daliigga qofka loo sameeyo, carruurta ay waalidkood laabta galiyaan, iyo istaabashada dadka sida in laabta la isku qaado marka la isa salaamayo.

Xayawaanka oo la salaaxo ama lala cayaaro ayey sidoo kale eegeen, ayagoo xataa taabashada ku soo daray Robot.

Faa’iidada ugu weyn ee lagu gaaday waa istaabashada labada qof dhex marta, ayadoo aan loo eegayn in taabashadu tahay daliigid ama hab isa siin.

Dr Packheiser wuxuu yiri “shaqadeenna waxay muujinaysaa in taabashada ay yarayso xanuunka jirka, isku buuqidda iyo welwelka la soo dersa dadka waaweyn iyo carruurta. Natiijadeenna ayaa bixinaysa siyaabo kala duwan oo lagu hagaajin karo qaababka taabashadaas”.

Sheldon cohen oo ka tirsan kulliyadda culuunta bulshada ee jaamacadda Carnegie Mellon ayaa isna sheegay in daraasad ay sameeyeen ay ku ogaadeen in laabta oo la is galiyo ay keenayo in qofku ka dawoobo xanuunno uu ka mid yahay hargabka.

Dad ka badan 400 oo qof oo daraasad lagu sameeyey, xogna laga uruuriyey 14 maalmood oo isku xigay ayaa lagu ogaaday in xanuunnada ay ka yaraadeen.

“Tani waxay muujinaysaa in laabta oo uu ku geliyo qof aad ku kalsoon tahay ay noqon karta qaab waxtar leh oo sare u qaadaya sidii welwelku uu u yaraan lahaa. Sidoo kale dadka laabta la galiyo ee xanuunsanaya waxay ka badbaadi karaan caabuqa hargabka.

Soomaalida ayaa ah dad isku salaamaya qaab ah inay laabta is galiyaan, xataa haddii ay muddo yar is yaqaaneen, xilligan ciidahana waxaa aad u badan dadka qaabkaas isku marxabaynaya.