Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka: Garsoore go'aan ka gaadhaya in la baahiyo amarkii lagu baadhay guriga Trump


Trump FBI
Trump FBI

Garsoore Maraykan ah oo heer federaal ah ayaa go’aan ka agaadhi doona maanta oo Jimce ah in la ogolaado codsiga ka yimi Waaxda Caddaalada ee Maraykanka oo ku aaddan in la baahiyo waarankii loogu ogolaaday hay’adda FBI inay baadho guriga lagu raaxaysto ee uu leeyahay madaxweynihii hore Donald Trump ee ku yaalla gobolka Florida.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Merrick Garland ayaa hore u sheegay in dadweynuhu ay aad u danaynayaan inay xog badan ka ogaadaan ogolaanshaha lagu baadhay guriga madaxweynihii hore, sidoo kale madaxweyne Trump ayaa taageeray in si degdeg ah loo sii daayo warqadda lagu ogolaaday in lagu baadho gurigiisa.

Go’aanka ku saabsan in la baahiyo waaranka ogolaanshaha lagu siiyey hay’adda FBI ayaa haatan horyaalla garsoore Bruce Reinhart oo ah xaakinkii saxiixay amarka baadhitaanka. Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa haysata illaa galabnimada Jimcaha wakhtiga Washington, inay garsooraha u gudbiyaan in garyaqaannada madaxweynihii hore ee Trump inay ogolaadeen ama diideen in la baahiyo waaranka lagu baadhay guriga madaxweynaha hore.

Wakaaladda Wararka ee AP

XS
SM
MD
LG