Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Q.M: Dagaalka Gaza waa in uu dhammaadaa


Martin Griffiths
Martin Griffiths

Madaxa arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa sheegay in saddex bilood oo Israel ay weerar ku wadday Marinka Gaza uu dhulkaasi ka dhigay meel aan la degaan ah, iyadoo uu shaqaalaha gargaarka ka dhigay in ay qabtaan “howlgal aan macquul aheyn” oo ay doonayaan in ay ku taageeraan dad ka badan laba milyan oo qof.

“Dagaalkan ma ahayn in uu bilowdo. Laakin waqti dheer ayuu dhaafay xilligii ay ahayd in uu dhamaado,” ayuu Griffiths ku yiri bayaan uu ka soo saaray dagaalka Gaza ee socday muddo saddex bilood ah.

“Waxa aan sii wadeynaa in aan dalbano in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, kaliya maahan dadka Gaza iyo deriskooda uu khatarta geliyay, laakiin jiilasha soo socda kuwaas oo aan waligood iloobi doonin 90-kan maalmood ee cadaabta iyo weerarada ka dhan ah habkii ugu aasaasisanaa ee aadanaha,” ayuu yiri.

Dagaalkan oo bilowday ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ku qaaday gudaha Israa’iil oo ay ku dhinteen ilaa 1,200 oo qof ayna ku qafaasheen ilaa 240 kale, ayaa horseeday xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran oo ka taagan Gaza, halkaas oo Wasaaradda Caafimaadka ee ay Xamaas maamusho sheegtay in in ka badan 22,000 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay iyadoo ku dhawaad 60,000 oo qofna ay dhaawacmeen.

Xamaas ayuu Mareykanku ku daray liiska ururrada argagaxisada. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 1.9 milyan oo kale ay barokaceen.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay dhinacyadu ay buuxin lahaayeen dhammaan waajibaadkooda si waafaqsan sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan ilaalinta rayidka iyo inay daboolaan baahiyahooda muhiimka ah, iyo in ay si degdeg ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha,” ayuu yiri Griffiths.

Madal

XS
SM
MD
LG