Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dortmund iyo Atletico Madrid u soo baxay wareegga siddedda ee UCL


Kooxda Atletico Madrid ayaa u soo baxday wareegga siddeedda ee koobka Champions Leaguge, kadib markii ay rigooreyaal 3-2 ay uga badisay kooxda Inter Milan oo sanadkii hore gaartay kama dambeysta koobkan.

Ciyaar xiisa badneyd oo ka tirsan wareegga 16-ka ayaa celcelis ahaan kusoo idlaatay bar-bar dhac 2-2 ah, taas oo sababtay in la aado kala reebta rigooreyaasha.

Goolhayaha Atletico Madrid Jan Oblak ayaa noqday halyey kooxdiisa keenay wareeggan, kadib markii uu laba rigoore ka qabtay Alexis Sanchez iyo Davy Klaassen, halka Lautaro Martinez uu cirka u diray rigoorihii uu laaday.

Dhinaca kale, Jadon Sancho iyo Marco Reus ayaa kooxdooda Borussia Dortmund keenay wareegga siddeedda, kadib markii ay Dortmund 2-0 kaga badisay PSV Eindhoven.

Goolka Sancho ayaa ahaa kiisii labaad ee uu dhaliyay laba kulan kadib markii uu bishii January amaah ugu soo laabtay Dortmund kadib markii uu boos ka waayay tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag.

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG