Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiya oo sheegtay in ay heshiis la gashay Puntland 


Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Mesganu Arga iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Farax Maxamed
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Mesganu Arga iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Farax Maxamed

War Arbacadi shalay lagu daabacay barta ay Facebook ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay, in Itoobiya iyo maamul goboleedka Puntland ay ku heshiiyeen in la wanaajiyo xiriir ay ku sheegeen inuu dhinacyo badan leeyahay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashi ay ka yeeshaan fursadaha ganaci, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee wadajirka, si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka u dhaxeeyo labada dhinac. ayaa lagu yiri qoraalka.

War saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay, in wafdiga ka socday Puntland ay carrabka ku adkeeyeen xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya, isla markaana qiray taageerada iyo iskaashiga Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo ammaanka.

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in in maamulka cusub ee Puntand uu doonayo, inuu xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya, isla markaana ay carrabka ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha iyo iskaashiga dhaqaale, ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida ku xusan bayaanka, Danjire Mesganu ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay Itoobiya uga go’antahay xiriirka Puntland isla markaana hoosta ka xarriiqay in ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan dhinacyo badan oo kala duwan.

Heshiiskaan ayaa kusoo beegmay, maalmo yar kaddib marki ay Puntland sheegtay, in ay kalsoonidi kala laabatay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sababo la xiriiray tallaabadi uu Baarlamaanka Soomaaliya ku anisixiyay afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaanan wali ka fal-celinin heshiiska ay dowladda Itoobiya ku sheegtay in ay la gashay maamul goboleedka Puntland.

Itoobiya oo sheegtay in ay heshiis la gashay Puntland 
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:48 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG