Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IOM: 38 qof oo ku dhintay markab ku degey xeebaha Jabuuti


Markab ay saarnaayeen muhaajiriin u dhalatay dalka Ethiopia ayaa ku degey Isniintii xeebaha dalka Jabuuti, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan 38 qof, sida ay baahisay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka ee loo soo gaabiyo IOM.

Hay'adda IOM ayaa sheegtay in la soo badbaadiyey 22 qof oo ka mida dadkii markabkaas saarnaa.

Markabkan ayaa ka baxay dalka Jabuuti isaga oo u socday dalka Yemen, oo ah marinka ugu weyn ee ay sii maraan muhaajiriinta ka tegeya dalalka Geeska Afrika ee doonaya inay gaadhaan wadamada Khaliijka.

Marinkan ayaa ah mid aad u halis badan, oo muhajiriinta isticmaalayaa ay la kulmaan, in lacago badan laga qaado, la afduubo, xabsiyo la dhigo ama si khasaba loogu shaqaysto.

Warbixintan waxaa qortay VOA, qaybo ka mida ayaa laga soo xigtay AP iyo AFP.

Madal

XS
SM
MD
LG