Hay’adaha xuquuqul insaanka ee Kenya iyo kuwa caalamiga ah ayaa warbixin ay soo saareen maanta oo Arbaco ah ku sheegay in 118 qof ay dhibanayaal u yihiin dilal sharci darro ah oo ay geysteen booliiska Kenya sannadkii hore, iyagoo cambaareeyay waxa ay ugu yeereen "isla xisaabtan la'aanta"
Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ee IOM ayaa Talaadadii sheegtay in 21 tahriibayaal ah ay dhinteen, 23 kalena la la'yahay, kaddib markii doon ay saarnaayeen 77 qof ay ku degtay xeebaha dalka Jabuuti, waana dhacdadii labaad oo noocan oo kale ah muddo laba toddobaad gudahood ah.
Khubaro kala duwan ayaa sheegaya in caqabadaha ugu waaweyn ee haysta nidaamka caafimaadka ee Afrika, inay ka mid yihiin, aqoon yarida iyo tababar yarida shaqaalaha caafimaadka.
Laanta Socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa maanta sheegtay, in ugu yaraan 16 muhaajiriin ah ay ku dhinteen meel ka baxsan xeebaha Jabuuti dhawaan, kaddib marki ay la qallibantay dooni ay la socdeen.
Dhawaan waxaa magaaladan Washington lagu soo geba-gebeeyey kulan looga hadlayey dhaqaalaha dunida oo ay soo qaban qaabiyeen hay’ada IMF iyo Bankiga Adduunka.
Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala bixi doona Niger, sida ay tebinayaan wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska New York Times.
Xafiiska isku dubba-ridka howlaha bini'aadannimo ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo OCHA, ayaa raadinaya $413 milyan oo gargaar degdeg ah oo kaalmo loogu fidiyo in ka badan hal milyan qof oo ku nool waqooyiga Mozambique
Dalka Suudaan ayaa waxaa hareeyay dagaal, muddo hadda laga joogo, sannad kadib markii ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa milatarigeeda iyo ciidamada sida militariga u tababaran ee taageerada degdegga ah.
Kuwo kale