Meelo badan oo ku yaalla dawlad deegaanka Soomaalida, waxaa ka curtay roobabkii gu’ga, waxaana wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ay sheegayaan, inuu halkaas ka da’ay roobab xooggan kuwaas oo khasaare badan soo gaarsiiyay guryo badan.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa aaminsan in Faransiiska iyo xulafadiisa reer galbeedka iyo dalalka Afrika in "ay joojin kari lahaayeen" xasuuqii Rwanda ee sannadkii 1994-kii, balse aanay xilligaasi jirin doonis ku aaddan in la joojiyo xasuuqa lagu laayey illaa 800,000 oo qof
Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay xiisadda cirka isku sii shareertay ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Ethiopia.
Hay'adda Xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedayasay Ciidamada Ethiopia in ay toogasho ku dileen dhowr iyo toban qof oo rayid ah.
Bassirou Diomaye Faye ayaa Talaadadii magaalada Diamniadio loo dhaariyay in uu noqdo madaxweynaha shanaad ee Senegal, ka dib markii uu ka adkaaday murashaxii ay sida weyn u loollameen ee ka socday isbayasiga talada haya Amadou Ba.
Ra’iisul Wasaaraha Itaoobiya Abiy Axmed ayaa mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida dalkaasi u magacaabay jago sare oo ka mid ah kuwa ugu sarreeya dalkaas.
Loolanka u dhexeeya Ruushka iyo dalalka reer galbeedka ee ku aaddan Afrika ayaa sii xoogaysanaya, iyada oo Ruushku ciidamo cusub u dirayo galbeedka Afrika ka dib markii ciidamadii reer galbeedka lagu amray in ay ka baxaaan.
Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay waxyeellada gudniinka fircooniga uu u gaysto gabdhaha, ayada oo warbixin cusub ay sheegeyso in sanadihii dhowaa ay kordheen gabdhaha la gudayo.
Bassirou Diomaye Faye ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Senegal isagoo helay 54% codadkii la dhiibtay, marka loo eego natiijada ku meel gaarka ah, halka ninka ay sida weyn u loolameen Amadou Ba uu helay 35%.
Xafiiska madaxweynaha Uganda ayaa shaaciyay in laan ka tirsan Bankiga Salaam ee fadhigiisu yahay dalka Jabuuti Arbacadii laga daahfuray dalka Uganda, iyada oo bankigan uu yahay hay’ad maaliyadeed oo waafaqsan shareeca Islaamka, sida uu shaaciyay xafiiska Yoweri Museveni.
Kuwo kale