Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ee IOM ayaa Talaadadii sheegtay in 21 tahriibayaal ah ay dhinteen, 23 kalena la la'yahay, kaddib markii doon ay saarnaayeen 77 qof ay ku degtay xeebaha dalka Jabuuti, waana dhacdadii labaad oo noocan oo kale ah muddo laba toddobaad gudahood ah.