Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee ayay colaadda Sudan u saameeysay fursadihii waxbarasho ee Soomaalida?


Dalka Suudaan ayaa waxaa hareeyay dagaal, muddo hadda laga joogo, sannad kadib markii ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa milatarigeeda iyo ciidamada sida militariga u tababaran ee taageerada degdegga ah.

Isku-dhacyada u dhexeeya labada dhinac ayaa aad looga dareemay gees kasta oo ka mid ah caasimadda Khartoum bartamihii Abriil ee sanadkii 2023-kii. Dagaalkaas ayaa ka dib si degdeg ah ugu fiday waddanka oo dhan.

Ka hor intii aysan Suudan galin xaaladdan nasiib darrada ah, arday badan oo Soomaali ah ayaa sannad kasta ka heli jiray wax barashada sare ee jaamacadeed.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii fursadaha waxbarasho ka helay Sudan ayaa anfacay naftooda iyo dalkooda, kuwaasoo qaarkood ay sheegayaan in ay si weyn uga nexeen musiibada colaadeed ee ku hasbatay dalka Sudan. Colaaddaasi ayaa hadda sannad jirsatay.

Haddaba sidee ayay colaadda dalka Sudan u saameeysay fursadihii waxbarasho ee ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka heli jireen dalkasi, waase sidee dareenka kuwii ka faa’iideystay deeqaha waxbarasho ee dalka Sudan? waxaa warbixintan nooga diyaarisay Caasha Ibrahim Aden.

Sidee ayay colaadda Sudan u saameeysay fursadihii waxbarasho ee Soomaalida?
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:33 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG