Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararki ugu danbeeyay ee xiisadda Iran iyo Israel


Lebanon Hezbollah At 40
Lebanon Hezbollah At 40

Kaddib marki uu la kulmay wasiirrada arrimaha dibadda Ingiriiska iyo Jarmalka, ayuu ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu Arbacadi shalay ka shanqariyay, in Israel ay iyadu qaadan doonto go’aannadeeda ku aadan sida ay isu difaaceyso.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli dalalka reer galbeedka gaar ahaan kuwa xulufada la ah Isra’iil ay ku cadaadinayaan xukumadda Telaviv in ay is xakameyso oo aysan ka jawaabin weerarki ay dhawaan kala kulantay Iran.

Mareykanka Midowga Yurub, iyo dalalka warshadaha ku horumaray ee G-7 ayaa dhammaantood dhawaaqay qorshayaal ay ku saarayaan cuna-qabateyn hor leh. Arrintaasi ayaa loo arkaa mid ay reer Galbeedka ku direen farriin ah in Isra’il aysan ka aar-gudan Iran.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay, inuu uga mahadceliyay wasiirka arrimaha dibadda Jamralka Annalena Baerbock iyo dhiggeeda Ingiriiska David Cameron taageerada ay u muujiyeen, balse uu u caddeeyay in Israil ay iyadu qaadaneyso go’aannada ay isku difaaceyso.

Dhanka kale, ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa Arbacadi sheegay in uu gantaallo ku weeraray saldhig millatari oo ku yaalla waqooyiga Israil. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 14 askari.

Xisbulah waxay weerarkaasi ku sheegtay, mid ay ugu aargudeysay duqeyn ay diyaaradaha Israil ku bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Xisbulah.

Madal

XS
SM
MD
LG