Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbax lagu taageerayo dhameystirka dastuurka oo ka dhacay Muqdisho


Banaanbax ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu taageerayo dib u eegista iyo dhammaystirka dastuurka.

Bannaanbaxan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, waxaana uu kusoo aadayaa xilli qorshaha dib u eegista iyo wax ka beddelka dastuurka ee lasoo jeediyey ay mucaaradad kala kulantay xubno ka tirsan baarlamaanka.

Xubno kale oo baarlamaanka Soomaaliya ah ayaa iyagu ilaa haatan dhammaystiray doodda iyo dib u eegista afarta cutub ee ugu horraysa dastuurka ku meelgaarka ah.

Dastuurkan ayaa rasmi ahaan ay u ansixiyeen ergooyin ka badan 800 oo bishii Ogosto 2012-kii ku shiray magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay bishii Jannaayo ee sannadkii hore inay isku maamulayaan sidii dawlad madaxbannaan ilaa inta lagu wada heshiinayo dastuurka lagana dhammaystirayo, aftina loo qaadayo.

Magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland ayey maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen xubno siyaasiyiin ah oo ay ku jiraan laba madaxweyne oo hore, kuwaasi oo dhalliilay qorshaha wax ka beddelka dastuerka ee hadda socda.

Faah-faahin dheeraad ah waxa soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Banaanbax lagu taageerayo dhameystirka dastuurka oo ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:02 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG