Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Federaalka oo sheegatay dilka 80 Al-Shabaab ah


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegatay in ka badan 80 ka titrsan maleeshiyaadka al-Shabaab in lagu dilay hawlgallo ka kala dhacay gobollada Mudug, Shabeellada Dhexe iyo Bakool.

War saxaafadeed kasoo baxay maanta Wasaaradad Warfaafinta ee Dawladda Federaalka ayaa lagu sheegay in hawlgalka koowaad oo ka dhacay degaan u dhow magaalada Xarardheere lagu dilay in ka badan 40 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in goobta hawlgalku ka dhacay oo lagu magacaabo Bacaadka Faarax Aadan ay isku urursanayeen maleeshiyaadka al-Shabaab.

Hawlgalka labaad ayaa isna ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km u jira degaanka Daaru Nicma, waxayna dawladdu sheegtay in hawlgalkaas oo ay iska kaashadeen ciidamada dawladda iyo saaxiibada caalamka lagu dilay in ka badan 35 ka tirsan al-Shabaab.

Sidoo kale waxay sheegtay dawladdu in hawlgalka Fiiqaay lagu burburiyey gaadiid dagaal. Hawlgalkan ayey dawladdu sheegtay in lagu bartilmaameedsaday gaadiid dagaal iyo maleeshiyaadka al-Shabaab ee soo weeraray Daaru Nicma

Hawlgalka saddexaad ayaa dawladda Soomaaliya sheegtay in lagu bartilmaameedsaday degaanno hoos taga degmada Waajid ee gobolka Bakool, laguna dilay lix ka tirsan al-Shabaab.

Sheegashada dawladda Soomaaliya ee tirada laga dilay al-Shabaab ayaan si madaxbannaan loo xaqiijin.

Madal

XS
SM
MD
LG