Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqeyn sharci: Sidee tahay in loo maro dib u eegista dastuurka?


Maamul goboleedka Puntland ayaa ka digay wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka Soomaaliya iyadoo aan laga wadatashan.

War saxaafadeed xalay kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya awood iyo sharciyad midna u lahayn inuu dastuur cusub qoro, dhammaystirkana ay u baahan yihin qodobo kooban, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

Puntland ayaa ka digtay in haddii la meelmariyo isku dayga samaynta dastuur cusub, waa sida hadalka loo dhigaye – aysan Puntland u hoggaansami doonin, aqoonsan doonin, kuna dhaqmi doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka.

Madaxweynaha Soomaalya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan hadlayey ayaa sheegay in mas’uuliyadihii loo doortay ay ka mid ahayd dhammaystrika dastuurka, dawladuna ay ka shaqayn doonto xilkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilliyo badan uu dib u dhac ku imanayey dhammaystirka dastuurka.

Haddaba garyaqaan Cali Wardhiigleey oo Nairobi degan ayaa weriyahayaga Maryan Maxamuud Barre uga warramay sida uu u arko inay u dhacdo dib u eegista dastuurka?

Fallanqeyn sharci: Sidee tahay in loo maro dib u eegista dastuurka?
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:46 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG