Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Ciidamada Soomaaliya oo helay hub culus iyo diyaarado


Ciidamada Soomaaliya
Ciidamada Soomaaliya

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxeynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay heleen hub culus oo ay u adeegsan doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xuseen Sheekh Cali ayaa u sheegay VOA in hubkaasi ay ka mid yihiin diyaaradaha qumaatiga u ah, hoobiyeyaal iyo hubka lidka diyaaradaha loona adeegsado dagaallada Soomaaliya ee ZU.

Dhinaca kale waxa uu Xuseen Sheekh Cali sheegay in dhammaadka sannadkan dalka Maraykanka lagu qaban doono shir dhaqaale loogu ururinayo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliy,a si ay dawladda Soomaaliya awood ugu hesho inay ku filnaato ciidankeeda wixii ka danbeeya 2027.

Waxa uu Khadka telefoonka ee Muqdisho ugu warramay Haaruun Macruuf. Ugu horrayn waxa uu ka jawaabayaa halka ay marayaan hawlgallada milatari?

Wareysi: Ciidamada Soomaaliya oo helay hub culus iyo diyaarado
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:52 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG