Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Maxamed Aadan Koofi oo dowladda ay ku eedeysay musuq-maasuq


Koofi
Koofi

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulayamaan Maxamuud ayaa maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey dacwad ka dhan ah 18 sarkaal oo loo haysto eedo kala duwan.

Liiska xeer-ilaaliyuhu gudbiyey waxaa ku jira 18 qof oo xilal iyo shaqooyin kala duwan ka soo qabtey hay’adda socdaalka canshuuraha iyo maamulka qeybo ka mid ah maaliyadda.

Kala bar dadka la soo eedeeyey ayuu xeer ilaaliyuhu sheegey in ay cadaaladda baxsad ka yihiin.

Agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa ka mid ah dadka liiskan ku jira ee la soo eedeyey.

Falastiin Axmed Iiman ayaa khadka telfoonka kula xiriirtay, waxayna ugu horreyn weydiisey sida uu u arko eedahan loo soo jeediyey.

Wareysi: Maxamed Aadan Koofi oo dowladda ay ku eedeysay musuq-maasuq
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:22 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG