Svoboda | Graniru | BBC Russia | Golosameriki | Facebook

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Muxuu danjire Fiqi kusoo arkay markii uu tegay Eritrea?


Fiqi
Fiqi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusoo laabtay dalka kadib booqasho afar maalmood ah oo uu ku tagay dalka Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan xiriirka siyaasadeed, kan diblomaasi iyo in kor loo qaado iskaashiga difaaca iyo amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu joogay Eritrea booqday askarta Soomaalida ah ee muddada ku dhow saddexda sno lagu tababarayey dalkaasi kuwaasi oo ay hadheeyeen warar kala duwan oo ku saabsan faya-qabkooda iyo xaaladda tababarkooda.

Haddaba mas’uuliyiinta Soomaalida ee faro-ku-tiriska ah ee booqatay ciidanka Soomaalida ee lagu tababarayey Eritrea waxaa ka mid ah safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Midowga Yurub, horeyna usoo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Mamaul Goboleedka Koonfur Galbeed, haatanna ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Haaruun Macruuf, oo ka wareystay waxa uu kusoo arkay Eritrea, ayaa ugu horrayn weydiiyey sida uu u arko booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ugu tagay ciidankaas.

Wareysi: Muxuu danjire Fiqi kusoo arkay markii uu tegay Eritrea?
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:41 0:00

XS
SM
MD
LG