Barnaamijka Amuuraha Marayaknka waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay lacagta ay kala haystaan musharaxiinta madaxweynaha Mareykanka, ee loo adeegsan doono ololaha doorashada.
Machadka Nabadda ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay Washington ayaa ku baaqay in dowladda Maraykanka ay hagaajiso siyaasaddeeda Afrika iyada oo diiradda la saarayo macdanta muhiimka ah.
Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay shirkado xiriir la leh Ruushka, waxaana uu ku eedeeyay shirkadahaasi inay qayb ka yihiin dhaqdhaqqyada sharciga ka baxsan ee uu Ruushku ka wado Afrika.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shalay sheegay inuu cadho iyo qalbi jab dareemayo kadib markii duqayn ay Israel ka fulisay Gaza ay ku dhinteen toddoba qof oo ka tirsanaa koox gargaarka ka shaqaysa oo lagu magacaabo World Central Kitchen.
Dembiyada ka dhaca Maraykanku waa mid ka mida qodobada ugu mudan ee ay codbiyayaasha Maraykanku niyadda ku hayaan, marka ay codkooda dhiibanayaan doorashooyinka madaxtinimada ee soo socda.
Barnaamijka Amuuraha Maraykanka waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay go’aanka ay dowladda Mareykanka ku manuuceyso barta TikTok iyo sababaha loo cuskanayo.
Shirkadaha dhismaha ee Maraykanka ayaa sheegaya inay sannadkan u baahan yihiin, illaa nus malyan shaqaale ah, si loo daboolo baahida suuqa ka jirta.
Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa ku biiray howsha baaxadda leh ee ka socota dekedda Baltimore ee Gobolka Maryland, taasoo talaadadii ku burburtay Markab weyn oo ku dhacay mid ka mid ah tiirarkii ugu muhimsanaa Buundada.
Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Galmudug ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya dagaal cuslus oo shalay ka dhacay duleedka magaalada Xarardheere.
Soomaali badan ayaa sannadihii lasoo dhaafay ka mid ahaa qulqulka muhaajiriinta ee soo gaalayay Mareykanka, iyada oo gobollo badan oo ay ugu horreyso Minnesota ay ka socdaan dhageysiga kiisaska Soomaalida.
Buundo weyn oo ku taalay dekedda magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Maraykanka ayaa subaxnimadii hore ee saaka duntay, kadib markii uu jiiray Markab kuwa koonteenarada qaada ah.
Kuwo kale