Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shalay sheegay inuu cadho iyo qalbi jab dareemayo kadib markii duqayn ay Israel ka fulisay Gaza ay ku dhinteen toddoba qof oo ka tirsanaa koox gargaarka ka shaqaysa oo lagu magacaabo World Central Kitchen.
Dembiyada ka dhaca Maraykanku waa mid ka mida qodobada ugu mudan ee ay codbiyayaasha Maraykanku niyadda ku hayaan, marka ay codkooda dhiibanayaan doorashooyinka madaxtinimada ee soo socda.
Barnaamijka Amuuraha Maraykanka waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay go’aanka ay dowladda Mareykanka ku manuuceyso barta TikTok iyo sababaha loo cuskanayo.
Shirkadaha dhismaha ee Maraykanka ayaa sheegaya inay sannadkan u baahan yihiin, illaa nus malyan shaqaale ah, si loo daboolo baahida suuqa ka jirta.
Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa ku biiray howsha baaxadda leh ee ka socota dekedda Baltimore ee Gobolka Maryland, taasoo talaadadii ku burburtay Markab weyn oo ku dhacay mid ka mid ah tiirarkii ugu muhimsanaa Buundada.
Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Galmudug ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya dagaal cuslus oo shalay ka dhacay duleedka magaalada Xarardheere.
Soomaali badan ayaa sannadihii lasoo dhaafay ka mid ahaa qulqulka muhaajiriinta ee soo gaalayay Mareykanka, iyada oo gobollo badan oo ay ugu horreyso Minnesota ay ka socdaan dhageysiga kiisaska Soomaalida.
Buundo weyn oo ku taalay dekedda magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Maraykanka ayaa subaxnimadii hore ee saaka duntay, kadib markii uu jiiray Markab kuwa koonteenarada qaada ah.
Hay’adda maamusha duulimaadyada Mareykanka ee FAA ayaa baaris xooggan ku haysa shirkadda diyaaradaha rakaabka soo saarta ee BOEING.
Barnamijka Amuuraha Marayaknka waxa aan toddobaadkan ku eegeynaa doodda ka taagan arrimaha socdaalka ee Mareykanka oo labada xisbi ay hadda si aad ah xoogga u saarayaan. Wxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Sandheere.
Gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa meel-mariyey sharci, si aad ah u xakamaynaya in caruurta da’da yari ay adeegsan karaan baraha bulshada.
Kuwo kale